War rasmi ah oo kasoo baxay Booliska Federaaliga dowladda saliibiyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in loosoo gacan geliyay muwaadin soomaaliyeed oo dhowaan laga qafaalay magaalada Muqdisho.
Saraakiil American ah ayaa usheegay shabakadad Fox News iyo habeen hore magaalada Washington laga dejiyay Cabdikariin Iidle oo bishii lasoo dhaafay ay maleeshiyaadka ashahaadda ladirirka kooxda Riddada Soomaaliya ay ka qafaalay guri uu ka deganaay deegaanka Garasbaalleey.
FBI-du waxay caddeymaha cusub ku sheegtay in muwaadinkan uu dhowr isbuuc ku sugnaa xerada Xalane halkaas oo uu kuyaal saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin Soomaaliya taas oo ka dhigan in halkaas lagu tacdiibinayay kadibna si toos ah loogu gudbiyay Mareykanka.
Cabdikariin Iidle ayuu maamulka Donald Trump ku heystaan wax uu ugu yeeray xatooyo maaliyadeed oo ay jaaliyadda soomaalida ee Minnesota iyo dembiyo kale.
Arrintan xusidda mudan ayaa ah in ehellada dhibanaha ay warbaahinta usheegeen in maleeshiyaadka kooxda Riddada ay ka been sheegeen kiiska Cabdikariin oo ay yiraahdeen annaga ayaa gacanta kuhaynno kadibna ay ogaadeen in Mareykanka loo gacan geliyay.
Maamullada ashahaadda ladirirada ah ee ka jira Soomaaliya ayaa caan ku ah in ay dadka soomaaliyeed ka iibsadaan gaalada dalka kusoo duushay.