Dab aad u xooggan, ayaa maanta ka kacay suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo ay ku gubatay hanti aad u fara badan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.
Dabka oo ahaa mid si fudud ku fiday, ayaa saameyn wayn ku yeeshay xarumaha ganacsi ee kuyaal suuqa Bakaaraha, waxaana lasoo wariyay in saameynta ugu daran u gaystay qaybaha lagu iibiyo qalabka Elegtarooniga.
Ganacsato badan, ayaa hantidooda ku waayay dabka xooggan ee maanta ka kacay suuqaasi, qaarkood ayaa sheegay inay halkaasi ku waayeen hanti ay tabcayeen muddo ka badan 10 sano.
“Shayna iima badbaadin, maanta waxaan waayay hanti aan uruurinayay muddo 16 sano ah, Murugo ayaan dareemayaa, waxaan noqday qof ceyr-toobay,” waxaa sidaas isagoo murugeysan kuna qanacsan qadarta Allaah, warbaahinta Muqdisho u sheegay mid ka mid ah ganacsatada ku hanti beelay dabka ka kacay Muqdisho.
Mid ka mid ah ganacsatada, ayaa sheegay in dabku kasoo billowday goob laga cunteeyo oo kutaal dhabarka dhismeyaasha gubtay, ka dibna uu kusii fiday xarumo ganacsi oo kuyiillay goobta.
Khasaaraha badan ee uu dabku gaystay ayay u sababeeyeen gurmadka oo ahaa mid soo daahay, waxay taasi keentay in dabku si fudud ku faafo oo uu gubo dhismeyaal badan.
Qaar ka mid ah ganacsatada hantidooda ku waayay suuqa Bakaaraha iyo dadkii gurmadka u tagay suuqa, ayaa si isku mid ah u sheegay in gurmadka uu saacado ka maqnaa goobta, muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay dad is xilqaamaya oo isku dayaya inay debka demiyaan, halka kuwa kalena ay jiidayeen agabyada uusan dabku gaarin.
Lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dabkaasi, wallow wararka qaar sheegeen in dabku koronto ka dhashay, dhanka kale ma jiro tirakoob rasmi ah oo ku aadan khasaaraha maaliyadeed ee dabku gaystay.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in dabka ka kacay suuqa Bakaaraha ay ku shuf beeleen 19 ganacsi oo kuyiillay dhismeyaal dabaq ah oo uu dabku ku fiday.