Waxaa mar kale fashil iyo guul-darro kusoo idlaaday wada-hadal u dhexeeyey kooxda Riddada Soomaaliya iyo iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la baxay golaha mustaqbalka.
Wada-xaajoodyadan oo muddo ka socday Muqdisho isla markaana ay ku dhex-jireen waxa loogu yeero beesha gaalada caalamka ayaa gabi ahaanba burburay ka dib markii guddiyada farsamo ee labada dhinac ay isku mari waayeen qodobbada ugu muhiimsan ee hannaanka doorasho gaaleedka.
Sida ay wararku tibaaxayaan siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa ku adkaystay in hal mar miiska la wada saaro, lagana wada-hadlo guud ahaan doorashooyinka maamul-goboleedyada iyo tan dhexe ee kooxda Riddada.
Kooxda Riddada ee uu Gurguurte hoggaamiyo, ayaa dhankeeda doonaysa in marka hore la dhammaystiro doorashooyinka maamul-goboleedyada, dooddana keliya lagu koobo doorashada guud, taas oo ay dooneyso in ay ka dhigto doorasho qof iyo cod ah, sida ay sheegayso.
Ka dib fashilka ku yimid guddiyada farsamada, waxa loogu yeero beesha gaalada caalamka, gaar ahaan dalalka reer-galbeedka ayaa la sheegay inay bilaabeen qorshe cusub oo ay doonayaan inay cadaadis ku saaraan madaxda sare ee labada dhinac.
Dalalkan ayaa sida ay xoguhu tibaaxayaan waxay wadaan ajande ay rabaan in miiska wada-hadallada iskugu soo hor fariisiyaan madaxda sare ee kooxda Riddada Soomaaliya iyo hoggaanka isbahaysiga mucaaradka, taas oo iyadana rajadeedu aysan fiicnayn.
Geesta kale, wufuud kala matalaysay maamullada ashahaada la dirirka Jubbaland iyo Puntland oo qayb ka ahaa wada-hadallada ka socday Muqdisho ayaa la sheegay inay maanta isaga hulleeleen caasimadda, kadib markii ay muujiyeen sida ay uga niyad-jabeen qaabka wadahadalladu ay u socdaan.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu tilmaamay kuwo xog-ogaal ah, weftiyadani waxay go’aansadeen inay ka baxaan Muqdisho kadib markii ay ku qanceen in wada-hadalladu aysan samayn wax horumar ah oo muuqda, isla markaana arrimo muhiim ah oo la isku hayo aan weli xal laga gaarin.
Xogta ayaa intaas ku daraysa, in wakiillada maamullada Riddada Jubbaland iyo Puntland ay ku doodeen in Gurguurte uusan diyaar u ahayn inuu tanaasul ka sameeyo arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka, taasoo ay sheegeen inay sabab u noqotay ismari-waaga ka taagan wada-hadallada.
Si kastaba ha ahaatee, xaalka kooxda Riddada Soomaaliya ayaa u muuqda mid sii murgaya marba marka ka dambaysa, xilli niyad-jab xooggan uu hareeyey dawladaha saliibiyiinta ah ee muddada badan tabantaabinayay, isla markaana la saadaalinayo burbur xooggan oo kusoo wajahan AUSSOM.