Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali-galbeed, ayaa sheegaya in shilal kale oo lagu dhamaaday ay ka dhaceen qaybo ka mid ah dhulkaasi oo ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya.
Mid ka mid ah shilalkan oo dhacay habeenkii xalay, aad na u xoogganaa, ayaa laga soo tabiyay deegaan lagu magacaabo Harar Keela ee hoostaga magaalada Jigjiga, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac laga soo sheegay.
Shilka ayaa yimid markii gaari wayn uu jiiray maqaaxiyo iyo goobo laga cunteeyo oo dad fadhiyeen, kuna yaal deegaankan hoostaga magaalada Jigjiga, wwaxaana halkaas ka dhashay khasaare baaxad leh.
Xogaha waxay xaqiijinayaan in 8 qof ku dhinteen shilka, dadka dhintay waxaa ka mid ah dhowr qof oo aan Soomaali ahayn, sida ay sheegeen ilo wareedyo maxalli ah.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay dad jirkoodu goo;gay oo ku kala firirsan goobta uu shilku ka dhacay, muuqaalka ayaana muujinaya baaxadda musiibada goobta ka dhacday.
Ilo wareedyo, ayaa sheegay in dadka waxyeelladu gaartay uu ka mid yahay ilmo yar, marka laga soo tago dhimashada waxaa jira dad badan oo uu baabuurku ku jiiftay, halkaas_na uu khasaare kale ka dhashay.
Shil kale, ayaa shalay ka dhacay isla dhulka Soomaali-galbeed, si gaar ah waxaa shilkan u galay gaari kasoo baxay Qabridahare kuna socday magaalada Wardheer, wuxuuna ku rogmaday halka lagu magacaabo Kudunbuur.
Inta la hubiyay shilka labaad waxaa ku dhintay hal qof, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, gaariga shilka galay ayaa sida sawir la baahiyay muujinaya in uu yahay nooca Probox-ka loo yaqaan.
Dhulka Soomaali-galbeed, waxaa maalmihii dambe aad ugu badanayay shilalka baabuur, 19-kii bishan ayay ahayd markii shil argagax leh oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Qabri-bayax ay ku dhinteen 12 qof, halka dad kalena ku dhaawacmeen, xabaal-wadareed dadkaasi loo qodayay ayay musiibo kale ka dhacday markii uu kusoo dumay dadkii xabaasha qodayay, waxaana halkaas ku nafwaayay saddex qof, halka 9 kalena dhaawacmeen.