Magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya waxaa ka furmay shir uu soo qaban qaabiyay urur gaaleedka midowga Afrika kaasi oo diirradda lagu saarayo xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo sida laga yeelayo ciidamada kufaarta afrikaanta ah ee wajahaya xaaladda dhaqaale xumo.
Wafdi ubadan saraakiil ciidan oo ka socda kooxda Riddada ayaa shirka ka qeyb gelaya sida ay faafisay warbaahinta Itoobiya guddoomiyaha ururka midowga afrika ayaa ugu baaqday kooxda Riddada in ay xubno ku yeelato guddi loogu magac daray isbahaysiga difaaca bariga afrika oo ay gaadaal ka riixayaan Itoobiya iyo Kenya.
Taliye ku xigeenka ciidanka kooxda Riddada oo shirka Addis Ababa ka qeyb gelaya ayaa ku cacalaancalay in haddii ciidamada kuffaarta afrikaanta ay Soomaaliya ka baxaan ay suurtagal tahay in Mujaahidiinta alshabaab ay dalka lawareegaan.
Ururka midowga Afrika oo ka walaacsan go’aankii Mareykanka ee dhaqalaha looga jarayay ciidamada kufaarta afrikaanta ee Soomaaliya ku sugan ayaa guuldarraystay in uu helo dowlado ama ururo sii wada taakulada dhanka zaadka ah ee afrikaanta soomaaliya ku sugan arrinkaas oo keenay in Addis Ababa ay ka dhacaan kulamo tirabeel ah balse weli aan wax natiija ah kasoo bixin.
Maxamuud Cali Yuusuf oo ah madaxa ugu sarreeya ururka AU ayaa xubnaha golaha ammaanka iyo nabadda midowga Afrika usheegay in ay si dhab ah uqaateen go’aanka Mareykanka isagoo golaha ugu baaqay in uu diyaariyo qorshe looga baaqsan karo wax uu ugu yeertay halista weyn ee soomaaliya kasoo food leh.