La-taliyihii hore ee amniga kooxda riddada Soomaaliya, Xuseen Macalin ayaa walaac xooggan ka muujiyey go’aanka uu Maraykanku ku sheegay in dhammaadka sannadkan uu jarayo saadkii uu siin jiray ciidamada Afrikaanta ee duullaanka saliibiga ah ku jooga dalka Soomaaliya.
Waxa uu ka dhawaajiyey in ciidamada Afrikaantu aysan sii joogi karin Soomaaliya, haddii ay waayaan saadkii uu siin jiray Maraykanku, isagoo dhanka kalena walaac xooggan ka muujiyey maleeshiyaadka riddada oo uu tilmaamay in aanay awood u lahayn inay la wareegaan mas’uuliyadda amnigooda.
Murtad Xuseen Macalin, waxa uu kale oo uu ka sanqariyey in mujaahidiintu ay afka ciidda u dareen maamulladii riddada ee kala dambeeyey, isagoo si gaar ah u xusay jabkii xoogganaa ee maleeshiyaadka riddada kasoo gaaray dagaalkii Cowsweyne.
Walaaca uu martadkani muujinayo ayaa imanaya iyadoo maalmahan jahawareer baaxad leh uu ka dhex-jiro urur-gaalleedka Midowga Afrika, kadib markii horraantii bishan uu Maraykanku ku wargeliyey in 31-ka December uu joojinyo saadkii uu siin jiray ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM.