Ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Jubbada hoose, waxay weerar culus oo kamiin ah u dhigeen maleeshiyo murtadiin ah oo ku socdaalayay duleedka deegaanka Diibi ee hoostaga degmada Afmadoow.
Howlgalka dhabbagalka ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayaa inta la hubiyay waxaa lagu dilay ugu yaraan laba askari oo ka tirsanaa maleeshiyada Riddada Jubbaland, halka saddex kalena lagu dhaawacay oo mid ka mid ah dhaawiciisu yahay garaab.
Dhanka kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaallo toos ah ku mireen saldhigyada ciidan ee kuffaarta Yugaandha kaga suganyihiin degmada Jannaale iyo deegaannada kala ah Golweyn iyo Numbar60 oo dhammaantood ka wada tirsan Sh/hoose.