Dowladda saliibiyadda Kenya ayaa markale ihaanaysatay Kooxda Riddada Soomaaliya kadib markii ay xayirtay wasiir katirsan kooxda kadibna ay soo tarxiishay.
Waxaa cirka isku shareeray xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa kooxda Riddada iyo dowladda Kenya kaddib markii ay xukuumadda Nairobi dib ugu celisay Muqdisho Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada oo ay si aad ah isugu dhowyihiin Xasan Gurguurte kaasi oo lagu magacaabo Abshir Bukhaari, waxaana laga hor istaagay inuu galo dalka Kenya.
Sida ay wararku sheegayaan Abshir Bukhaari ayaa lagu qabtay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi halkaas oo saraakiisha socdaalka iyo laamaha ammaanka Kenya ay su’aalo ka weydiiyeen dukumentiyada safarkiisa iyo lacag uu watay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in wasiirkan katirsan kooxda Riddada lagu tuhunsan yahay arrimo la xiriira musuq maasuq iyo lacag dhaqid, inkastoo dowladda Kenya aysan si rasmi ah u soo bandhigin caddeymo ama dacwad maxkamadeed oo arrintaas ku saabsan.
Saraakiisha Sirdoonka Kenya ayaa si aad ah uga shakiyay lacago boqolaal kun dollar caddaan ah oo uu wasiirka madaxtooyada Xasan Gurguurte uu boorsooyin ku watay, waxaa kale oo lagasoo xigtay mas’uuliyiin Kenyaan ah iyo wasiirkan katirsan kooxda Riddada lagu helay Baasaboor Kenyaan ah oo si aan hufneyn uu ku helay.
Wasiirka madaxtooyada kooxda Riddada ayaa maalintii Axadda lagu celiyay magaalada Muqdisho, saacado kadib ayaa la sheegay in Xasan Gurguurte uu uyeeray safiirka ufadhiyo Kenya.
Warar si aad ah layskula dhax qaaday baraha bulshada ayaa sheegayay in wasiirkan Kenya lagasoo celiyay uu siday lacago Kaash ah oo Xasan Gurguurte doonayay in akoonno dibadda ah ku shubto.
Kenya ayaa horay sidaan oo kale dalkeeda ugasoo ceyrisay Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ku magacaaban R/wasaare ku xigeen.