Inta la hubiyay ugu yaraan Afar qof oo shacab ah, ayaa dhintay halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii gaari ciidan oo ay leeyihiin maleeshiyada murtadiinta uu ku jiiray magaalada Kismaayo.
Dhacdadan, ayaa si gaar ah looga diiwaan-geliyay waddada xiriirisa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyo gudaha magaalada, gaari Cabdibile ah oo ay wateen maleeshiyada murtadiinta ayaana jiiray dadka shacabka ah.
Qof goobjooge ah, ayaa sheegay in dadka shilka ku dhintay oo afar qof ay ku sugnaayeen hareeraha waddada, gaari Cabdibile ah oo ay wareen Riddadana uu halkaasi ku jiiray.
Wararka qaar waxay sheegayaan inay dhaawacmeen laba qof, halka kuwa qaarna ay ku sheegayaan dadka dhacdadan ku waxyeelloobay hal qof oo rayid ah.