Kadib war-mutiyeedkii hoggaamiyeyaasha saliibiyiinta Afrikaantu ay jimcihii lasoo dhaafay kasoo saareen shirkii lagu soo gunaanaday Kampala kagana codsadeen Qaramada Midoobay in 18 bilood loogu daro muddada hawl-galka AUSSOM, ayaa waxaa soo baxaya walaacyo laga muujinayo aqbalaadda dalabkaasi.
Citizen TV oo ka mid ah telefeeshannada ugu daawashada badan waddanka Kenya, ayaa warbixin lagu daabacay qaybtiisa dijitaalka ah lagu sheegay in uu jiro walaac xooggan oo falanqeeyayaal caalami ah ka bixiyeen aqbalaadda codsiga Afrikaanta.
Sida ay warbixintu ka dhawaajisay, falanqeeyayaashu waxay sheegeen in fursadaha lagu sii wadi karo howlgalka ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee isbahaysiga AUSSOM ay aad u yar yihiin marka la eego mowqifka adag ee Mareykanka.
Solomon Dersso, oo ah madaxa xarunta cilmi-baarista ee Amani Africa, ayaa isagoo arrintan ka hadlaya waxa uu yiri; “Waxaan ka shakisanahay inay jirto fursad macquul ah oo lagu sii wadi karo howlgalkan haddii aanu Mareykanku ka laaban go’aankiisa ku saabsan UNSOS,”
Sidoo kale warbixintu waxay soo xigatay diblomaasi sare oo ka tirsan Midowga Afrika, kaas oo wakaaladad wararka AFP u sheegay in go’aanka dowladda saliibiyadda Maraykanku ay ku dhawaaqday uu u muuqdo mid aan dib looga noqon karin.
Citizen Digital waxa kale oo ay ka sanqarisay in Midowga Afrika kaligiis uusan awoodi karin inuu daboolo dhammaan kharashaadka howlgalka macatab-ku-dirirka ah ee ciidamada murtazaqada Afrikaantu ay ka wadaan Soomaaliya.
Xarunta cilmi-baarista ee Balqiis, oo fadhigeedu yahay Muqdisho, oo warbixintu soo xigatay ayaa iyaduna sheegtay in kharashaadka hawlgalka ee UNSOS ay sanadkan gaareen Nus Bilyan Doollar, taasoo saddex jeer ka badan miisaaniyadda AUSSOM.
Diblomaasi ka tirsan Midowga Afrika oo Citizen Digital ay soo xigatay ayaa isna yiri; “Midowga Afrika xal ma hayo, runtiina ma jirto doorasho kale oo aan ka ahayn in howlgalka Midowga Afrika la soo afjaro ka hor inta aan la xirin UNSOS, haddii kale waxaan wajihi karnaa xaalad aan xitaa aan awoodi kari wayno inaan ku daad-gureyno ciidamadeenna Soomaaliya”
Meressa Kahsu Dessu oo ah falanqeeye ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga ee magaciisa loosoo gaabiyo ISS, oo isaguna afka furtay ayaa sheegay in haddii ciidamada Afrikaantu baxaan ay mujaahidiint Al-Shabaab la wareegi doonaan Soomaaliya, sidii Daalibaan ula wareegtay Afganistan.
Maalin ka hor ayay ahayd markii xarunta Uganda ee Kampala lagu soo gebogabeeyey shir socday muddo saddex cisho ah kaas oo dalalka Afrikaanta ee ciidamadoodu duullaanka ku joogaan Soomaaliya kasoo saareen codsi ay doonayaan in muddo ku dhow labo sano loogu daro hawl-galka AUSSOM.