Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maamulka ‘Puntland’ Oo La Wareegay Xero Kutaal Magaalada Boosaaso.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka ‘Puntland’ Oo La Wareegay Xero Kutaal Magaalada Boosaaso.

August 6, 2026

Kadib markii maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland uu muddo kooban u qabtay inay isku soo dhibaan maleeshiyaadka taabacsan Xasan Gurguurte ee ku sugan gudaha deegaannadaasi, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah maleeshiyaadkaasi ay isku dhiibeen maamulka Puntland, halka kuwo kalena ay ka baxsadeen.

Maleeshiyaad fadhigoodu ahaa xero ciidan oo ku taalla waqooyiga Gaalkacyo ayay wararku tibaaxayaan in saqdii dhexe ee xalay isaga guureen xeradii ay deggenaayeen iyaga oo u qaxay dhinaca koonfureed ee isla magaalada Gaalkacayo ee uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.

Dhinaca kale, warar ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maamulka daba-dhilifka ah ee Puntland uu saaka si buuxda ula wareegay xero ay maleeshiyaadka PSF ee dhawaan ku biiray kooxda Villa Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Boosaaso.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska maleeshiyaadka booliska ee Puntland ayaa lagu sheegay in maanta oo Isniin ah ay la wareegeen taliska iyo xarunta maleeshiyaadka PSF ee magaalada Boosaaso, iyagoo sheegay in tallaabadani ay daba socoto hawl-gal amni oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

Shakhsiyaadka iyo maleeshiyaadka taabacsan kooxda riddada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay caasimadda Muqdisho kuna sugan gudaha deggaannada Puntland ayaa mar kale loo baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan isugu soo dhiibaan laamaha ammaanka ee maamulka Puntland.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in la-wareegista xerada PSF ee magaalada Boosaaso ay ku dhacday si nabad-gelyo ah kadib markii is-afgarad laga gaaray arrintaasi. Iyadoo dhinaca kalena kolonyo gaadiid dagaal ah oo isaga guuray duleedka Qardho ay saacadihii lasoo dhaafay gaareen magaalada Laascaanood.

Shalay ayay ahayd markii Saciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqay in muddo 48 saac gudahood ah ay isku soo dhiibaan dhammaan maleeshiyaadka hubaysan ee taabacsan maamulka Xasan Sheekh Maxamuud kuna sugan gudaha deggaannada Puntland.

Khilaafka daba-dhilifyada Soomaaliya ayaa haatan xarkaha goostay, waxaanu kusoo aadayaa xilli ciidamada Afrikaanta ee ku sugan Soomaaliya ay ku jiraan xaalad qoob-gariir ah kadib markii Maraykanku uu dhawaan si rasmiya u shaacisay in dhammaadka sannadkan uu gebi ahaanba jaraayo dhaqaalihii uu ku bixin jiray duullaanka Soomaaliya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -23-Safar-1448-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -23-02-1448 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -11-04-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -11-04-1448-Hijri

September 21, 2026
Diyaarad Drone Ah Oo Gaari Gargaar Siday Ku Duqeysay Gobolka Tigrey.
  • Allposts
  • Warar

Diyaarad Drone Ah Oo Gaari Gargaar Siday Ku Duqeysay Gobolka Tigrey.

September 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -10-04-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -10-04-1448 Hijri.

September 21, 2026

Sawirro

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada