Horraantii bishaan Waqooyiga wadanka Itoobiya wuxuu markale martigeliyay mid kamida dagaalladii ugu cuslaa ee sanadkan ka dhaca geeska qaaradda afrika, ciidamo daacad u ah kooxda TPLF ayaa la sheegay in ay weerareen saldhigyo kuyaal magaalada Shiraaro ee galbeedka dhacda halkaas oo saldhigyo ay ku lahaayeen ciidamada Xabashida.
Dagaalka dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya wuxuu muujinayaa in Heshiiskii Pretoria ee la saxiixay 2-dii Nofeembar 2022 uu ku guuleystay hakinta dagaalkii ballaarnaa, balse uusan meesha ka saarin sababihii siyaasadeed, militari iyo dhuleed ee colaadda dhaliyay.
Sida ay soo tebiyeen wakaaladaha wararka nidaamka Abiy Axmed ayaa kumanaan askari oo hor leh udaad gureeyay jiidda dagaalka si ay uga adkaadaan dagaalyahannada kooxda TPLF ee doonaya in ay markale guulo ka xaqiijiyeen loollanka socda.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in jabhadda TTigreega ay soo weerartay saldhigyo ciidan ayna halis gelinayaan ammaanka iyo kala dambeynta sida hadalka loodhigay.
Sidoo kale warsaxaafadeed falcelin umuuqday ayay soo saaray jabhadda TPLF waxayna ku eedaysay xukuumadda Addis Ababa in ay duullaan culus kusoo qaaday magaalooyinka xorta ah ayna doonayso in ay xasuuqdo shacabka Tigreega.
Goob joogayaal ku sugan dhulka lagu dagaallamayo ayaa lagasoo xigtay in dagaalladu ay 6 maalmood oo xiriir ah socdaan iyadoona ay dhinacyadu isriix riixayaan, fagtii hore ee dagaalka ciidamada melleeteriga Itoobiya ayaa taqadum weyn ka sameeyay dhanka jiidda magaalada Shiraaro balse kooxda TPLF oo sameysay dhabar jebib ayaa dib ula wareegtay gacan ku heynta deegaanno laga qabsaday.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidanka Abiy Axmed ay weerar lama filaan ah ku qaadeen magaalada Xumeyra ee dhaca sedax xagal xuduudeedka ay wadaagaan wadamada Suudaan,Ereteriya iyo Suudaan waxayna magaaladaan martigelisay dagaal saacado badan qaatay.
Dagaalka cusub ee ka billowday galbeedka Tigray ma aha oo keliya iska horimaad gudaha Itoobiya ka dhacay. Wuxuu ku soo beegmay xilli ay dib isu qaabeynayaan xulafaysigii gobolka, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu sii xumaanayo, dagaalka Suudaan uu saameyn ku yeeshay xuduudaha Itoobiya, halka Masar iyo Addis Ababa ay weli isku hayaan arrimaha biyaha webiga Niil.
Nuuradiin Cabda oo ah madaxa markazka israatiijiyadda Itoobiya ayaa sheegaya in colaaddan dib usoo cusboonaatay ay salka ku hayso awoodaha isdiidan ee geeska qaaradda afrika ka jira.
Dagaalkan dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya wuxuu kusoo aaday xilli colaado sokeeye ay ka holcayaan wadanka Suudaan ee dariska ah taas oo kadhigan in Alkhurduum iyo Addis Ababa ay dagaal wakaaladeed iskusoo xawilayaan.
Maxamed Xaamid Jumcah oo ah baare iyo falanqeeye si dhow ula socday heshiiskii koonfur afrika ee ay horay uwada gaareen Abiy Axmed iyo TPLF ayaa aaminsan in xukuumadda Itoobiya ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Suudaan islamarkaana colaaddan cusub laga leeyahay ujeedooyin qarsoon oo dhanka awood raadsiga ah.
Kooxda TPLF ayaa markii ugu horraysay qirtay in iskaashi amni uu kala dhaxeeyo dowladda Ereteriya iyadoona faafisay sawirrada kulan amnio oo madax Ereteriyaan ah uga qeyb gelayaan waqooyiga Itoobiya taas oo ka dhigan suurtagalnimada in dagaalkan uu isku bedeli karo mid caalami ah.
magaalada Xumeyra ee sida aadka ah loogu loollamayo waxaa ku dhow xero weyn oo ay ku suganyihiin barakacayaal Tigree iyo suudaaniyiin ah waxaana halkaas ku dhacay madaafiic ay dhinacyada hardamaya isweydaarsadeen.
Falanqeeyaasha aaminsan in dagaalladan dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya ay udega rogan karaan dagaal caalami ah oo geeska afrika uu marti geliyo haddii ay kusoo biiraan awoodo kale oo caalami ah kuwaas oo doonaya in ay ku lug yeeshaan istiraatiijiyada mandiqaddan.
in dagaalkan uu markale dib uga qarxo waqooyiga Itoobiya sababta ugu weyn ee loo aaneynayo waa in nidaamka Abiy axmed uusan dhaqan gelin heshiiskii hore ee Beritooriya kaas oo caddeynayay qeybsiga dhaqaalaha,maamulka iyo awoodaha kale.
Ibraahim Naasir oo ah baare ku takhasusay arrimaha bariga afrika ayaa aaminsan in heshiiskii Koonfur afrika uusan aheyn xal waara islamarkaana ay kooxda TPLF u aragto heshiis iyaga lagu dulmiyay.