Howlgal ciidamada Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhaba ee wilaayada Baay, ayaa lagu dhaawacay askari murtad ah oo ka tirsan maleeshiyaadka hay’adda sirdoonka Riddada ee NISA.
Murtadkan la dhaawacay oo lagu magacaabo Axmed, ayaa dhibaato ba’an ku hayay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxaana la xaqiijiyay in uu soo gaaray dhaawac garaab ah.
Dhanka kale, Ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada Kufaarta Kenya ee deegaanka Fiinow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Kufaarta Kenya, waxaana jirra khasaare saliibiyiinta Kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaas.