Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta weerar ballaaran oo duqayn ah ku qaadday dekedda Al-Mukha iyo deegaanno kale oo ku dhow, kuwaas oo ku yaalla gobolka Taciz ee galbeedka Yemen, gaar ahaan meel u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab.Weerarka ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 7 qof, isla markaana 35 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo kaabayaasha dekedda iyo goobo rayidkana ay waxyeello soo gaartay.
Xuutiyiintu waxay sheegeen inay weerarkan u adeegsadeen gantaallo riddada dheera iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyagoo ku andacooday inay bartilmaameedsadeen ciidamo Sacuudiyaan ah iyo bakhaarro hub ah.
Dowladda daba-dhilifka ah ee Yemen waxay sheegtay in Xuutiyiintu sameeyeen ku dhowaad 20 weerar oo diyaarado aan duuliye lahayn ah, kuwaas oo ay xaqiijisay in waxyeello ay gaarsiiyeen kaabayaasha dekedda Al-Mukha.
Dagaallada Yemen ayaa la sheegayaa inay u muuqdaan kuwo sii fidaya. Weerarro ayaa laga soo sheegay meelo kala duwan, sida Al-Mukha iyo Xudeyda oo galbeedka ah, Al-Dhaleec oo koonfur-galbeed ah, iyo Ma’rib iyo Al-Jawf oo bartamaha iyo bariga dalka ah.