Maamulka Ashahaada la dirirka Puntland, ayaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi kusoo bandhigay saraakiil iyo maleeshiyaad uu ku qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Saraakiisha iyo maleeshiyaadka lagu qabtay dagaalka oo uu ku jiro Taliyihii haystay maleeshiyaadka PSF ee taabacsan kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa si gaar ah loogu soo bandhigay xabsiga wayn ee magaalada Garoowe.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay sarkaal ka tirsan maamulka Riddada Puntlnd oo dhinac taagan saraakiishii ay kusoo qabteen dagaalkii maleeshiyada Riddada Gurguurte lagu jebiyay ee ka dhacay Gaalkacyo.
Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaadka maamulka Ashahaada la dirirka ah ee Puntland, ay la wareegeen talis ciidan oo maleeshiyaadka PSF ee taabacsan kooxda Riddada Gurguurte ku lahayeen deegaanka Carmo ee gobolka Bari.