Dagaal culus ayaa waaberigii saaka ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo u dhaxeeya maleeshiyaadka daacadda u ah kooxda Riddada, Xasan Gurguurte iyo maleeshiyaadka madaxii hore ee maamulka Riddada koonfurta Galbeed, CabdiCasiis Laftagareen.
Sida ay wararku tibaaxayaan dagaalkan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaadka Laftagareen ay weerarro ba’an ku ekeeyeen saldhigyada maleeshiyaadka Gurguurte ee magaalada Baydhabo.
Maleeshiyaadka Laftagareen ayaa la sheegay in ay la wareegeen qaybo ka tirsan xaafadaha magaalada Baydhabo, iyadoo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada la arkayay iyagoo ku dhex roondaynaya gudaha magaalada, isla markaana dadweynuhu ay soo dhawaynayaan.
Ugaas Xasan Cabdi oo ah afhayeenka maleeshiyada Laftagareen oo kasoo dhex hadlay gudaha Baydhabo ayaa xaqiijiyey in ay la wareegeen gacan-ku-heynta magaalada, waxaanu shacabka Baydhabo ugu baaqay inay garab istaagaan askartooda.
Sida wararkii ugu dambeeyey ay tibaaxayaan, rasaas xooggan ayaa weli laga maqlayaa gudaha magaalada, gaar ahaan dhinaca saldhigga booliska iyo madaxtooyada Baydhabo, oo maleeshiyaadka Laftagareen ay weerar ku hayaan.
Fariisino ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Gurguurte ayay wararku tibaaxayaan in waaberigii hore ee saaka cagta la mariyey, iyadoo qaar ka mida muuqaallada la baahiyey ay muujinayaan mid ka mida xeryihii askarta Gurguurte oo holcaysa.
Kooxda haatan maamulka Gurguurte u joogta Baydhabo ee uu hoggaamiyo Aadan-madoobe ayaa war horu-dhac oo ay soo saareen ku sheegay in lasoo weeraray isla markaana ay is-difaacayaan, iyagoo intaa ku daray in faahfaahinta ay gadaal kasoo gudbin doonaan.