Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen siyaasiyiinta mucaaradka Riddada oo ay ugu horreeyaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Khayre, ayay uga hadleen xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka.
Waxay si isku mida xubnahahan siyaasiyiinta ah u sheegeen in dhul-boobka ka socda magaalada caasimadda uu si wayn u saameeyay dadka shacabka ah ee ku dhaqan Muqdisho iyo duleedkeeda.
Murtad Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in boobka iyo barakicinta kooxda Riddady ka waddo Muqdisho ay sababtay barakaca Shan Boqol Kun oo qof, kuwaas oo hadda xaalado adag ku wajahaya Muqdisho bannaankeeda.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in kooxda Riddada ee uu hoggaanka u hayo murtad Xasan Gurguurte ay dalka u horseedday dhaqaale la’aan, qarkana loo saaran yahay macluul sida uu sheegay.
Hadalka Ra’iisul wasaarihii hore ee kooxda Riddada iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka, ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay dhul-boob cusub oo uu madaxa kooxda Riddada ka billaabi karo Dhuusamareeb oo ah xarunta maamulka Ashahaada la dirirka Galmudug, ka dib markii uu Gurguurte halkaas ka sheegay hadal u muuqday damaciisa dhul-boobka.