Isagoo goob fagaare ah kala hadlayay taageerayaashiisa ayuu Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha kooxda Riddada Soomaaliya farriimo goodis ah udiray siyaasiyiina sida aadka ah umucaaradsan nidaamkiisa.
Wuxuu sheegay in marnaba aysan magaalada Muqdisho iskula sugnaan karin siyaasiyiin hubaysan iyo madaxda kooxdiisa sidaas daraadeed ay diyaarin doonaan howlgal hubka dhigis ah.
Wuxuu ku eedeeyay mucaaradka in ay hub culus suuqyada ka iibsadeen islamarkaana ay doonayaan geysashada falal amni darro sida uu hadalka udhigay.
Bishii Juun ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay iska hor’imaadyo culus ka dhaceen xaafado katirsan magaalada Muqdisho kuwaas oo sababay dhimasho,dhaawac iyo barakaca tobanaan qoys.