Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku warramaya in toddobo qof ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay deegaanka Samburu ee waqooyiga dalkaas, kaddib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku burburtay meel u dhow buurta Ololokwe. Dadka ku dhintay shilka waxaa ka mid ahaa madaxa sirdoonka Ecuador, Michele Sensi-Contugi, iyo xaaskiisa, halka shan kale ay ahaayeen muwaadiniin Mareykan ah. Mas’uuliyiinta Kenya ayaa xaqiijiyay in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda, oo ay ku jireen lix rakaab ah iyo duuliyihii, ay dhinteen.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in diyaaradda ay ahayd nooca Eurocopter EC130 B4, waxaana ay ka duushay deegaanka Loisaba iyadoo ku sii jeeday dhulka Ewaso Nyiro ee gobolka Samburu. Shilku wuxuu dhacay subaxnimadii Arbacada, xilli ay diyaaradda ku jirtay safar dalxiis ah. Ciidamada gurmadka iyo kooxaha samatabbixinta ayaa goobta gaaray, balse howlaha gurmadka waxaa adkeeyay dhulka oo aad u qallafsan iyo dab ka kacay goobta ay diyaaradda ku burburtay.
Shanta muwaadin ee Mareykanka ah ee ku dhintay shilka waxaa ka mid ahaa José Alberto Suárez, oo ahaa masuul sare oo ka tirsanaa shirkadda warbaahinta Telemundo, kana soo shaqeeyay maamulidda dhowr xarumood oo telefishin oo ku yaalla gobolka Florida. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijisay geerida muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay xiriir la sameysay mas’uuliyiinta Kenya, ayna bixinayso taageero qunsuliyadeed oo ku wajahan qoysaska dadka ku dhintay shilka.
Ilaa hadda lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee keentay in diyaaradda ay burburto, waxaana socda baaritaan ay wadaan hay’adaha duulista iyo ammaanka Kenya. Dowladda Ecuador ayaa tacsi u dirtay qoysaska dadka ku dhintay shilka, iyadoo geerida madaxa sirdoonka dalkaasi loo arko khasaaro weyn oo soo gaaray hogaamiyaha dalkaasi Daniel Noboa. Baaritaanka ayaa lagu wadaa in lagu ogaado waxa sababay shilka iyo xaaladihii ku xeernaa duulimaadkii ugu dambeeyay ee diyaaradda.