Taliyihii hore ee waxay ugu yeeraaan ciidanka Asluubta kooxda Riddada Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan Shub, ayaa ku dhaawacmay duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku beegsatay diyaarad nooca kuwa dagaalka ah sida dadka deegaanku xaqiiiyeen.
Diyaaradda oo ilaa laba gantaal tuurtay, ayaa lasoo wariyay in mid ka mid ah uu ku dhacay guriga uu Taliye Shub ka degganaa degmada Doolow, waxaana halkaas uu dhaawac kasoo gaaray sida ilo wareedyadu sheegayaan Taliye Shub iyo dhowr qof kale oo xaaskiisu ku jirto.
Wasiir u hadlay maamulkii hore ee Lafragareen, Maxamed Ibraahim Bilaa, ayaa sheegay in duqayntu ka dambeyso dowladda Turkiga, weerarkuna ahaa isku day dil ah oo la doonayay in lagu dilo taliyihii hore ee ciidanka Asluubta kooxda Riddada, balse uu ka badbaaday.
Sawirro laga soo qaaday guriga Taliye Shub ayaa muujinaya burburka ka dhashay duqaynta diyaaradeed ee gurigiisa loogu gaystay, dhaawaca taliye Shub ayaa xalay lagu dabiibay gudaha magaalada, masuulkaan u hadlay Laftagareen, ayaa sheegay in Taliye Shub uu haddaa ku sugan yahay goob ammaan ah.
Dowladda Turkiga ayaa horay loogu eedeeyay faragelinta arrimaha siyaasadda gudaha, iyadoo la safan murtad Xasan Gurguurte oo mucaaradad xooggan kala kulmaya siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada sida Jubbaland iyo Puntland.
Hoos ka daawo sawirrada guriga lagu duqeeyay Taliye Shub.




