Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa duqeyn culus oo habeen hore ka dhacday degmada Dooloow ee gobolka Gedo Koonfurta Soomaaliya.
Duqeyntan oo ay geysatay diyaarad ay leedahay dowladda Turkiga ayaa lagu beegsaday guri uu degmadaas ka deganaa Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaan Shub horayna usoo noqday taliyaha asluubta kooxda Riddada Soomaaliya.
Max’med Lafeey oo ah guddoomiyaha degmada Dooloow ee dhanka maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaas lagu beegsaday dhisme uu deganaa Jeneraal Mahad islamarkaana uu waxyeello daran dhaliyay.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in qaar kamid ah dhaawacyadii duqeynta Dooloow ay geeriyoodeen halka xaaladda 2 qof laga deyrinayo, dhaawaca sarkaalka labeegsaday ayaa la sheegay in uu yahay mid fudud waxaana durbadiiba loo qaaday dalka dibaddiisa.
Maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa war rasmi ah oo uu soo saaray ku cambaareeyay weerarka Dooloow wuxuuna ku sifeeyay mid bahalnimo ah.
Axmed Madoobe ayaa weerarkan si toos ah ugu eedeeyay dowlada Turkiga oo uu sheegay in ay mas’uul ka tahay.
Goob jooge ku sugan degmada Dooloow ayaa xaqiijiyay in diyaarad Drone ah oo dhanka Koonfureed kasoo gashay magaalada ay dhowr gantaal la heshay guriga.
Kooxda Ridada Soomaaliya oo shalay soo saartay bayaan ay isaga fogeynayso weerarka guriga Shub ayaa lakulantay fadeexad kadib markii baraha bulshada lasoo dhigay haraadiga ganaalka Turkiga ee weerarka loo adeegsaday,kooxda Xasan sheekh waxay ku dooday in waxa Doolow ka dhacay ay ahaayeen qarax goobta lagu diyaarinayay arrinkaas ahaa been cad