Dagaallo culus oo khasaare baaxad leh geystay ayaa lasoo wariyey in saacadihii lasoo dhaafay isku fara-saareen maleeshiyaadka u dagaallamada Amxaarada ee Jabhadda Fano iyo ciidanka federaalka ee dowladda Xabashida Itoobiya.
Sida jimcihii shalay ay shaacisay Fano, tobonnaan askari oo ka tirsanaa ciidanka federaalka ayaa dhegta dhiigga loo daray, kadib iska-hor-imaad xooggan oo ka dhacay degmada Dahna ee aagga Waghumra ee cirifka waqooyi ee gobolka Amxaarada.
Geesta kale ilo ka tirsan Fano oo ay soo xigatay warbaahinta Ethiopian Media Services ayaa sheegay in ay isa soo dhiibeen 71 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee maamulka Abiy Axmed.
Wargeyska Borkena oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa sheegay in hawl-galkani uu dhacay kadib markii maleeshiyaadka Fano ay waaberigii jimcaha weerar culus ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda ee deggaanka Azila ee degmada Dahna, kaas oo socday ilaa fiidkii xalay.
Ethiopian Media Services ayaa baahisay sawirro muujinaya dad la sheegay inay yihiin ciidamada is-dhiibay. Iyadoo dhanka kale, ciidanka Xabashida Itoobiya ilaa hadda aysan ka hadal weerarkan gabbalka la iskugu riday oo aagga uu ka dhacay ay xuduud la leedahay gobolka Tigrey.
Xukuumadda Abiy Axmed ilaa hadda way u maaro la’dahay dagaalladan culus ee ka holcaya gudaha waddanka Itoobiya, iyadoo haatanna aad looga digayo in dagaallo ba’ani ay mar kale dib uga bilowdaan gobolka Tigrey, maadaama halkaasina dhowr jeer la isku fara-saaray bilihii u dambeeyey isla markaana abaabul dagaal oo xooggani uu ka socdo.