Xilli Addis Ababa ay xusul-duub ugu jirto kala-qaybinta Soomaaliya, ayaa machadka Itoobiyaanka ah ee Horn Review waxa uu shalay baahiyey warbixin uu Maraykanka ugu bandhigyo sidii uu u aqoosan lahaa maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Aqoonsi la’aanta Maraykanka ee Somaliland ayay warbixintu ku sifaysay go’aan inta badan aan ku salaysnayn mabda’ sharci ama dan qaran oo cad, balse ku qotoma taxaddar xad-dhaaf ah iyo siyaasad duugowday oo ku dheggan qorshihii hore ee sheegayay in Soomaaliya ay tahay dal keliya.
Warbixinta ayaa maamulka Trump ku baraarujinaysa in Somaliland ay leedahay xeeb dheer oo ku dhow Bab al-Mandab, sidaas darteed ay lamaane muhiim ah u noqon karto Maraykanka gaar ahaan, dhinacyada amniga badda, saadka iyo awoodda millateriga.
Murtad Cirro oo booqasho ku jooga Washington ayay warbixintu xustay, in isla markii uu halkaas gaareyba uu durtadiiba muujiyay diyaar-u-ahaanshaha in Somaliland ay Maraykanka siiso fursado millateri oo la xiriirta dekedda iyo garoonka magaalada istaraatiiji ah ee Berbera.
Horn Review waxay ku doodaysaa in tani ay siin karto Washington beddel ama dheeraad ka baxsan Jabuuti, halkaas oo ay ku kulmeen dano millateri ay ku leeyihiin dalalka Maraykan iyo Shiinaha oo tartan aad u xooggani uu ka dhaxeeyo.
Warbixintu waxay diidaysaa in aqoonsiga Somaliland uu si toos ah u noqonayo tusaale khatar ah oo ka dhalan kara kala-go’yo kale oo ay wajahdo Afrika. Waxay ku doodaysaa in Somaliland leedahay taariikh gumeysi oo gaar ah, wakhti yar oo koobanna ay soo noqotay dal madax-bannaan.
Dooddan uu machadka Itoobiyaanka ah ku taageerayo gooni-goosadka maamulka gaallo-raaca Somaliland ayaa salka ku haysa dano la xiriira hirgelinta damaca badeed ee Itoobiya, waxaanay kusoo aadaysaa xilli wefti uu hoggaaminayo murtad Cirro ay booqasho ku joogaan dalka Maraykanka.