Maamulka uu hoggaamiyo murtad Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa burburin ka billaabay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay laga kiciyay qoysas badan.
Tallaabadan burburinta ah ayuu maamulka Ashahaada la dirirka Puntland si gaar ah uga billaabay xaafadda Golciise ee magaalada Boosaaso, dadka shacabka ah ayaa si adag uga hadlay burburinta uu billaabay maamulka Riddada Deni.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qoysas badan oo bannaanka loo soo saaray xilli habeen ah oo dadku jiifeen, cagafna la geliyay guryihii ay degganaayeen.
Madaxda kooxda Riddada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada Ashahaada la dirirka ah ee ay saliibiyiintu dalka ka dhisteen ayaa isaga dayda dulmiga iyo dhibaateynta dadka shacabka ah, dadka dhacdada burburinta Boosaaso ka hadlay ayaa sheegayay in Deni uu qaaday jidkii uu u furay Xasan Gurguurte oo ah boobka iyo burburinta dhulalka danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay.