
Khilaaf siyaasadeed ayaa markale ka dhaxqarxay kooxda Riddada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Ashahaadda ladirirka Hirshabelle.
Yuusuf Dabageed oo ku magacaaban madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa ayaa ku eedeyay Xasan Sheekh uu uga baxay dhammaan ballamadii uu horay ula galay isaga oo ahaa in uu ka dhigayo madaxweynaha cusub ee Hirshabelle.
Isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay Muqdisho ayuu faah faahin ka bixiyay kulan dhaxmaray isaga iyo Xasan Gurguurte wuxuuna xaqiijiyay in kooxda Riddada ay kaarka madaxweynanimada maamulka Hirshabelle ay siisay Caliguudlaawe.
Cabdullaahi Sanbaloolshe taliyihii hore ee sirdoonka kooxda Ridada ayaa isna sheegay in xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Hiiraan iyo Sh/dhexe ay halis gelin karaan jiritaanka maamulka Ashahaadda ladirirka Hirshabelle.
Arrinta ka taagan magaalooyinka Beledweyne iyo Buula Burte ayaa markale Xasan Gurguurte lugaha ugelinaysa khilaaf siyaasadeed oo hor leh.