Dowladda Eratareya ayaa dowladda ay jaarka yihiin ee Itoobiya ku eedaysay qalqal-gelinta xassilloonida geeska Afrika, waxayna Eritrea si gaar ah ugu eedeysay Addis-ababa taageerada maleeshiyo maxalli ah iyo fallaagada RSF ee Suudan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in nidaamka uu hoggaamiyo Abiy Axmed uu ku_howlan yahay qalqal-gelinta amniga mandiqadda geeska Africa.
Waxay sheegtay in xukuumadda Addis-ababa muddo ka badan saddex sano ay ku howlanayd kor u qaadista ereyada xanafta leh ee dagaalka, iyadoo ay khatar gelisay baa lagu yiri warka Eritrea heshiisyada caalamiga ah.
Eritrea waxay Itoobiya ku eedeysay inay taageero isugu jirta hooy, tababar, iyo maal-gelinba siiso kooxo ay ku sheegtay in loogu talagalay inay si toos ah u beddelaan xukuumadda Asmara.
Waxay Eretrea sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay taaageero muuqaata siiso fallaagada RSF ee dagaalka kula jirta ciidanka millatariga Suudaan.
Inkastoo Itoobiya dhankeeda dafirtay eedanta taageero siinteeda RSF, ayay dhanka kale ilo deegaanka sheegeen in xadka uu noqday waddo muhiim ah oo sahayda loogu gudbiyo RSF iyo huwantooda.