Isagoo koox wariyaal ah kula hadlayay baraha bulshada ayuu taliyihii hore ee sirdoonka ashahaadda ladirirka kooxda Riddada Soomaaliya muujiyay walbahaarkiisa ku aaddan iyo kooxdda Soomaaliya ay lakulanto masiirka wax lamid ah dowladihii ka jiray dalalka Afghanistan iyo Suuriya kuwaas oo si lama filaan ah loo riday.
Cabdullaahi Sanbaloolshe wuxuu cabsidiida ku xoojiyay in saliibiyiinta caalamka ay taak dhigeen ayna hadda ka fakirayaan sidii ay awoodahooda ciidan iyo maaliyadeed ugala bixi lahaayeen Soomaaliya.
Wuxuu carrabaabay in kooxda Riddada Soomaaliya ay hadda ku sugantahay marxaladdii ugu adkeed isagoo tusaale usoo qaatay khilaafaadka siyaasadda ee murtadiinta dhaxdooda hareeyay awoodda mujaahidiinta oo sii xoogeysanaysa si walba oo duullaanno isbahaysi ahna loogu qaaday laloodin waaye.
Sanbaloolshe ayaa taliyaha sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya laga qaaday sanadkii lasoo dhaafay xilligaas oo mujaahidintu ay dib uqabsadeen degmooyinka iyo deegaannada dhaca Bariga wilaayaatka Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Wuxuu sheegaa in uu xog ogaal uyahay in Mareykanka iyo xulufada reergaleedka ay ka daaleen taageerada kooxda Riddada Soomaaliya islamarkaana ay isbedello dhici karaan bilaha iyo sanadada soo socda.