Ciidamada Shababul Mujaahidiin waxay madaafiic culus ku garaaceen xeryaha ciidamada kuffaarta Yugaandha iyo mleeshiyada Riddada ee Bangaraafta ay ku leeyihiin dagmada Buulo-mareer ee wilaayada Sh/hoose
Weerarkan ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waaxaana duqeyntasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, dhimashadu waa hal askari oo Yugaandhees ah iyo dhaawaca saddex ka tirsan maleeshiyada Riddada Baangaraafta.
Dhanka kale, howlgal qarax ah oo maanta ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Dayniile, ayaa lala eegtay gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Riddada ee Boliis Militaaro, waxaana ku dhintay inta la hubiyay qaraxaasi Afar askari, saddex kalena way ku dhaawacmeen, gaarigana burbur xooggan ayaa soo gaaray.