Bayaan maanta oo Arbaco ah kasoo baxay kooxda Xuuthiyiinta Yeman, ayaa lagu sheegay inay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo Sucuudigu leeyahay, taasi oo ah nooca F-15.
Bayaanka oo uu soo saaray Yaxya Sariic, afhayeenka ciidanka Xuuthiyiinta, ayaa lagu sheegay in diyaaraddan lasoo riday xilli ay howlgallo ka waday gobolka Ma’rib.
Kooxda Xuuthiyiintu waxay sheegtay in diyaaradda dagaal ay kusoo rideen gantaal dhulka laga tuuray, kaasi oo ay sheegeen in uu yahay mid maxalli ah oo gudah Yeman lagu farsameeyay.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay burburka diyaaradd.
Sucuudigaa ma jiro wax war ah oo uu kasoo saaray weerarkan ka dhacay gobolka Ma’rib ee Xuuthiyiintu kusoo rideen diyaaradda dagaal ee F-15-ka oo ah diyaarado uu soo saro Maraykanka.