Kadib baryootan iyo codsiyo isdaba-joog ah oo labadii bilood ee lasoo dhaafay Midowga Afrika iyo Kooxda Riddadu ay dirayeen, Maraykanku wuxuu ogolaaday in Qaramada Midoobey loogu daro muddo hal sano oo dheeraad ah, si ay si tartiib ah ugu soo afjarto taageerada saadka ee ay siiso ciidamada Afrikaanka ee duullaanka saliibiga ah ku jooga dalka Soomaaliya.
Qoraal diblomaasiyadeed oo ay aragtay wakaaladda wararka Reuters, ayay Washington ku sheegtay inay diyaar u tahay aqbalaadda 12 bilood oo si tartiib ah loo soo afjaro hawlaha, kaddibna si toos ah loo bilaabo xiritaanka xafiiska UNSOS oo UN-ka u qaabislan taageerada riddada Soomaaliya.
Documentigan oo sida ay warbixintu xustay, usbuucii hore lala wadaagay safaaradaha, ayaa ciidamada Afrikaanta siinaya waqti dheeraad ah, kaddib markii ay ka baqayeen in halis ay galaan haddii taageerada saadku ay si dhakhso ah u go’do.
Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa halis ku jira ayay tiri Reuters, mustaqbalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, maadaama 12-kan bilood ay yihiin mid meesha looga saarayo xaaladdii kediska ahayd, isla markaana la doonayo in si tartiib ah loogu soo afjaro taageerada hawl-galka.
Reuters ayaa bishii Luulyo soo werisay in Washington oo uu kusii xoogaysanayo walaaca ay ka qabto maamulka tabarta daran ee Muqdisho, ay sheegtay inay ka hor istaagi doonto Qaramada Midoobay inay taageerto ciidanka Midowga Afrika ee dagaalka kula jira jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Falanqeeyayaal ay soo xigatay Reuters, ayaa sheegay in jarista taageeradu ay daciifin doonto ciidamada Afrikaanta, taasina ay gebi ahaanba wiiqi doonto kooxda riddada Soomaaliya, isla markaan ay sii xumayn karto qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira gobolka xasaasiga ah ee ku dhow Badda Cas.
Ilo diblomaasiyadeed oo laba ah iyo ilo ka tirsan riddada Soomaaliya ayaa sheegay in 12-ka bilood ee cusub ay bilaabanayaan bisha koowaad ee sannadka soo socda.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Reuters u sheegay in Washington aysan mar dambe maalgelin doonin ama taageeri doonin xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo miisaaniyaddiisu guud ahaan ku dhowdahay 500 milyan oo doolar.
“Waxaan filaynaa in geeddi-socodka iyo jadwalka dhimista hawlaha laga wada hadlo inta lagu jiro wada-tashiyada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha December.” Ayuu yiri Afhayeenku.
Ilo diblomaasiyadeed oo shan ah iyo ilo dhinaca kooxda riddada Soomaaliya ah oo dhammaantood codsaday in magacyadooda aan la shaacin ayaa xaqiijiyay muddada 12-ka bilood ah.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee kooxda riddada Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOS iyo Guddiga Midowga Afrika ayaa ka gaabsaday inay ka jawaabaan codsiyo ay Reuters u dirtay oo ay kaga dalbatay faahfaahinta arrintan.
Tallaabadan ayay warbixintu xustay, in kooxda riddada iyo dalalka ay taageerada ka hesho ee Afrikaanta ay siinayso oo keliya waqti dheeraad ah, balse marnaba aysan meesha ka saarayn khatarta ku wajahan mustaqbalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Afyare Cilmi, oo bare ka ah Jaamacad ku taal Muqdisho, ayaa Reuters u sheegay in haddii AUSSOM baxdo ay kooxda riddadu wajihi doonto khatar dhab ah, isla markaana uu gebi ahaanba burburi doono nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee muddada badan lagu camcaminayay dalka Soomaaliya.
Samira Geydh, oo ah falanqeeye arrimaha amniga gobolka ah, isla markaana horey ula soo shaqaysay hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo weliba kooxda riddada, ayaa Reuters u sheegtay in xiritaanka UNSOS uu keeni doono in gebi ahaanba uu soo afjarmo hawl-galka AUSSOM.
Maalgelinta duullaanka shareeco-la-dirirka ah ee ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya ayay warbixintu xustay in weli uu sii dhex muquuranayo xaalad hubanti la’aan ah, taasoo keentay farqi weyn oo dhanka kharashaadka ah.
Sanadkii hore ayay ahayd, markii Maraykanku uu hor istaagay qorshe la doonayay in lagu beddelo nidaamka maalgelinta, kaas oo dhigayay in 75% ka mid ah miisaaniyadda sannadlaha ah ee howlgalka oo dhan $190 milyan oo dollar uu bixiyo urur-gaaleedka Qaramada Midoobay.
Si kastaba ha ahaatee, fashilka dul-hoganaya hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa kusoo aadaya xilli geesiyada tawxiidka bariga Afrika ee Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xoogaysteen iskuna sii fidinayaan dhul aad u ballaaran, sida ay ka sanqarisay wakaaladda wararka ee Reuters.