Kooxaha Xuuthiyiinta ee maamula qeybo katirsan wadanka Yemen ayaa sare uqaaday weerarada ay ku qaadayaan dowladda Sacuudiga iyo garaacay xarumo xasaasi ah.Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee loo bixiyay Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in weerar culus lagu beegsaday madaarka caalamiga ag ee magaalada Riyaad halkaas oo ay ku dhowyihiin xarumo waaweyn oo shidaalka lagu sifeeyo.
Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in madaarka caalamiga ah Boqor Khaalid lagu dhuftay diyaarado Drone ah kadibna uu dab qabsaday dhismayaal ku dhow madaarka.
Shabakadda Flay Radar24 oo si dhow ula socoa arromaha duulimaadyada caalamiga ah ayaa ku warrantay in garoonka diyaaradaha Boqor Khaalid uu galay xaalad halis ah kadib markii uu dab qabsaday gudaha garoonka islamarkaan ay istaageen dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha.
Sida wararku sheegayaan weerar umuuqday iyo bartilmaameed ah ayaa haleelay xarumo saliidda lagu keydiyo oo kuyaal agagaarka madaarka Boqor Khaalid.
Inkastoo aysan weli dowladda Aala Sacuud war kasoo saarin weerarka ka dhacay magaalada Riyaad hadane waxaa larumeysanyahay in kooxaha Xuuthiyiinta ay hujuumkan mas’uul ka yihiin.
Tan iyo markii uu dib ubillaawday dagaalka Yemen ayay magaalooyinka waaweyn ee Sacuudiga waxay beyllaha unoqdeen Drones-ka Xuuthiyiinta iyo sawaariikhdooda casriga ah.