Khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur ayaa ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada kajiado ee dalka Kenya.
Shilka waxaa gashay diyaarad yar oo laga leeyahay dugsiga tabobarka duulista ee dowladda Kenya, waxaana ku nafwaayay laba qof oo saarnaa diyaaradda.
Labada qof ayaa isugu jiray duuliyaha diyaaradda iyo arday uu tabobar siinayay, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee Kenya.
Waxay diyaaraddu ku dhacday dhul buuraley ah oo kuyaal deegaanka Kipeto ee ka tirsan degmada Kajiado ee dalka Kenya.
Lama shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay shilkan diyaaradeed, balse saraakiisha Kenya waxay sheegeen inay baaritaan ku sameynayaan dhacdada shilka ah.