Hey’adda caalamiga ah ee ka faalloota xasaradaha adduunka ee International Crisis Group, ayaa warbixin ay soo saartay saacadihii lasoo dhaafay kaga digtay nidaamka amniga ee lagu waardiyeeyo kooxda Villa Soomaaliya uu galay marxalad kala-guur ah.
Xaaladdan ayay warbixintu tilmaantay inay timid, kaddib markii Maraykanku uu bishii July diiday in la kordhiyo taageerada saadka ee UNSOS wixii ka dambeeya dhammaadka 2026, balse uu bishan lagu jiro ee Sebtembar uu oggolaaday in muddo 12 bilood ah lagu kordhiyo si kala-guurku u noqdo mid tartiib ah.
ICG, oo ah magaca loo soo gaabiyo hey’addan, ayaa falanqayn ku samaysay xaaladdan kala-guurka ah ee muddada 12-ka bilood ah lagu kordhiyey. Waxaanay sheegtay in howlgalladii iyo ciidamadii caalamiga ahaa ee tan iyo 2007-dii dagaalka kula jiray Al-Shabaab ay haatan u muuqdaan kuwo sii nuxuusaya.
Horraantii bishii Luulyo, Maraykanku wuxuu Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan taageerayn in la kordhiyo muddada Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, kaas oo bixiya taageero saadka ah oo muhiim u ah hawl-galka AUSSOM, wixii ka dambeeya dhammaadka sannadkan.
Hase yeeshee, mowqifka Maraykanka ayaa markii dambe yara dabcay sida warbixintu ay carabowday. Diblomaasiyiin Maraykan ah ayaa bishii Sebtembar Midowga Afrika u sheegay in Washington ay ka fiirsan karto kordhin 12 bilood ah, ka hor inta aysan joojin taageero kasta oo dheeraad ah oo ay bixiso Qaramada Midoobay.
Tani waxay siinaysaa ayay tiri warbixintu, waqti dheeraad ah oo loogu diyaargaroobo in ciidamada Afrikaanta si nidaamsan loo soo afjaro ama loo sameeyo hannaan kale oo kala-guur ah.
“Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu waxay tahay in taageerada iyo ilaalinta amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tiirsanayd ku dhowaad labaatanka sano uu waqtigeedu sii dhammaanayo…” ayaa lagu yiri warbixinta ICG.
Maadaama howlgalka Midowga Afrika uu ku tiirsan yahay Qaramada Midoobay si loo helo adeegyo ay ka mid yihiin biyo, cunto, shidaal iyo gaadiid, waxay u badan tahay sida ay sheegtay ICG, inuusan sii wadi karin shaqadiisa haddii taageeradaka UN-ku ay meesha ka baxdo.
Inkastoo Midowga Afrika, saaxiibbadiisa caalamiga ah iyo sidoo kale kooxda Villa Soomaaliya ay ka fikirayaan sidii howlgalka loo sii wadi lahaa, balse weli ma haystaan mana muuqata ayay tiri warbixintu, xal si fudud loo hirgelin karo.
Sidoo kale ma jiro beddel cad oo loo heli karo xafiiska Qaramada Midoobay, kaas oo miisaaniyaddiisu ku dhowdahay nus bilyan doollar, marka laga hadlayo dhisidda, maamulidda iyo maalgelinta ciidan caalami ah oo ka kooban dalal fara badan.
Sida warbixintu ay ka dhawaajisay, kooxda Villa Soomaaliya weli waxay wajahaysaa khatar weyn oo kaga imanaysa dhinaca jihaadiyiinta Al-Shabaab oo gacanta ku hayaa ayay tiri, dhul aad u ballaaran oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Maxay yihiin dhibaatooyinka dheeraadka ee ICG sheegtay inay soo wajahayaan hawl-galkan sii daciifaya ee aan cagaha buuran ku taagnayn?
Sida ay warbixintu xustay, sannadihii u dambeeyay Midowga Afrika wuxuu la daalaa-dhacaayay sidii uu dhaqaale ugu heli lahaa howlgalka.
Maalgeliyeyaashii muddada dheer taageeri jiray, sida Midowga Yurub, ayaa hoos u dhigay lacagihii ay bixin jireen, iyagoo sidoo kalena riixayay in laga baxo hawl-galka oo dhowr sano la tacaalayay dhaqaale-darro weyn, xitaa iyadoo la qaaday tallaabooyin lagu dhimayo kharashaadka.
Tirada ciidamada ayaa la dhimay ku dhawaad kala-bar marka loo eego tiradii hawl-galladu ay ku bilawdeen. Waxaanay hadda awoodda saaraan inay ku sugnaadaan dhufaysyadooda oo kaliya.
Warbixintu iyadoo sii socota, ayay sidoo kale sheegtay in dhibaatada dhaqaale ay sidoo kale saameysay taageerada saadka ee Qaramada Midoobay, taas oo lagu bixiyo lacagaha khasabka ah ee ay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ku darsadaan miisaaniyadda hay’adda.
Xitaa ka hor intii uusan maamulka Trump xilka la wareegin, saraakiisha Maraykanku waxay walaac ka qabeen in Qaramada Midoobay ay dhaqaale u fidiso hawl-gal aan iyada si toos ah uga tirsanayn, iyagoo u arkayay arrintaas tallaab aan wanaagsanayn oo mustaqbalka tusaale looga dhigan karo.
Horraantii 2025, Maraykanku wuxuu hor istaagay soo jeedin ahayd in howlgalka Midowga Afrika uu sidoo kale dhaqaale ka helo qaaraanada khasabka ah ee Qaramada Midoobay. Maraykanku wuxuu qayb ahaan ku dooday in UN-ku ay horeyba dhaqaale badan ugu bixiso UNSOS.|
Bishii Sebtembar 2025, Maraykanku wuxuu hakiyay qorshayaal la xiriiray lacago loogu talagalay miisaaniyadda howlgalada amniga ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto UNSOS. Sidaas darteed, go’aanka Maraykanka ee ah inuusan sii taageerin jiritaanka xafiiska UNSOS ma ahayn ayay tiri warbixintu, arrin gebi ahaanba lama filaan ah.
International Crisis Group iyadoo muujinaysa walaac xooggan ayaa waxay tiri “Washington waxay u muuqataa in ay joojinayso nidaam door weyn ka qaatay dagaalka lagula jiro jihaadiyiinta Al-Shabaab, maadaama dowladda Maraykanku ay aamintay in xaaladdii hore aysan sii socon karin”
Warbixintu waxa kale oo ay qirtay in howlgallada caalamiga ah ee dhinacyada badan ka kooban aysan hadda ahayn kuwo sidii hore waxtar u leh, waxaanay carrabka ku adkaysay in kooxda Villa Soomaaliya laga rabo inay qaadato mas’uuliyadda ugu weyn ee hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sida ay sheegtay ICG, diblomaasiyiinta Maraykanku waxay aaminsan yihiin in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaabsanayaan inay gutaan waajibaadkooda, maadaama ay og yihiin in aysan u babac-dhigi karin jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah saraakiisha Maraykanka ayaa isku raacsan in joojinta UNSOS, oo khatar gelinaysa sii jiritaanka howlgalka Midowga Afrika, ay tahay arrin halis ah. Waxaana laga yaabaa ayay tiri warbixintu, inay taasi tahay sababta Maraykanku uga laabtay mowqifkiisii hore, isla markaana uu u oggolaaday in xafiiska UN-ka loo kordhiyo 12 bilood oo dheeraad ah si uu si tartiib ah ugu soo afjaro hawlihiisa.
ICG oo itiiminaysa in xattaa muddadaasi loo kordhiyey xafiiska UN-ku aysan wax natiijo ah soo kordhinayn ayaa waxay tiri “Tallaabadani waxay dib u dhigi kartaa oo keliya caqabadaha lama-huraanka ah ee soo socda, balse ma ah mid xallinaysa.”
Maraykanka ayaa warbixintu ay ka sanqarisay, in waxa uu hadda uu doonayaa ay tahay, inuusan qayb ka noqon taageerada caalamiga ah ee sida wada-jirka loogu fulinayay hawl-galka Soomaaliya, arrintaas oo uu u arko mid aan loo baahnayn oo kharashkeedu badan yahay. Madaama dedaalladii iyo kharashaadkii ku dhawaad labaatanka sano la bixinayay-na ay noqdeen hal bacaad lagu lisay.
Iyadoo ICG, ka jawaabaysa su’aal ah, Ma jiraan wax beddel u noqon kara UNSOS?, ayaa waxay sheegtay in hoos-u-dhigista ciidamada Afrikaanta iyo ugu dambayn xiritaanka UNSOS ay dhab ahaantii ka dhigan tahay in howlgalka Midowga Afrika uusan sii wadi karin shaqadiisa sida hadda loo qorsheeyay.
Qaramada Midoobay waxyaabaha ciidamada Midowga Afrika ay siiso waxaa ka mida cunto, biyo iyo shidaal. Waxa kale oo ay bixisaa gaadiidka ay ku hawl-galaan ciidamada Afrikaanta, waxay sidoo kale taageertaa maleeshiyaadka riddada Soomaaliya.
Sida warbintu ay ka dhawaajisay, saraakiisha Midowga Afrika ayaa si gaar ah u sheegaya in howlgalku uusan sii socon karin haddii uusan helin taageerada Qaramada Midoobay.
Mid ka mid ah saraakiisha ayaa go’aanka Maraykanka ee ku saabsan muddada UNSOS ku tilmaamay “arrin halis gelinaysa jiritaanka howlgalka.” Xitaa haddii la fiiriyo 12-ka bilood ee dheeraadka ah, sannadka soo socda waxaa xoogga la saari doonaa sheegtay warbixintu, in si tartiib ah loo soo afjaro hawlaha ballaaran ee UNSOS.
Ikhtiyaarro dhowr ah oo lasoo jeediyey loona malaynayey in lagu sii wadi karo taageerada saadka ee howlgalka Midowga Afrika ayay warbixintu sheegtay in iyaguna dhammaantood ay noqdeen kuwo aan ka gudbi karin caqabadaha jira ee waaweyn, iyadoo la garwaaqsaday in xattaa si kastoo carqaladahaasi loo xalliyo aysan haddana marnaba dhibaatada dhaqaale meesha ka bixi doonin.
Hey’adda ICG iyadoo walaaca jira wax ka iftiiminaysa ayaa waxay tiri “Howlgalka Midowga Afrika xilligan xitaa ma awoodo inuu si buuxda u bixiyo gunnooyinka ciidamada, sidaas darteed ma muuqato waddo uu hadda ku dabooli karo kharashaadka saadka.”
Dalalka iyo hay’adaha lagu tuhmo in wax uun dhaqaale ah ay heli karaan ee ka walaacsan in xaaladda amni ee riddada Soomaaliya ay dhawaan kasii darto, sida Midowga Yurub iyo dalalka Carabta ee Khaliijka, ayay warbixintu xustay in iyagana ay ku hor gudban yihiin dhibaatooyinka iyo xasaradaha kale ee aadka u badan ee ka jira dunida inteeda kale, taas oo rajo-beel ku ridaysa in iyagana wax laga sugo.
Haddiiba wax uun dhaqaale ah uu Midowga Afrika ka helo Midowg Yurub ama dalal kale, waxa laga yaabaa ayay tiri warbixintu, in muddo yar oo kooban ay saamaxdo oo kaliya in ciidamada Afrikaanta lagu koobo dhowr goobood oo muhiim ah, gaar ahaan Muqdisho iyo caasimadaha maamul-goboleedyada.
Sida ay ka dhawaajisay ICG, dalalka ciidamada ku biiriyay howlgalka Midowga Afrika waxay horey u sheegeen in ciidamadoodu aysan ku filnayn xitaa inay naftooda ilaashadaan, iskaba daa inay howlgallo ka fuliyaan meelaha ka baxsan saldhigyadooda.
Tirada ciidamada Afrikaanta haddii ay intaas ka sii yaraato ayay tiri warbixintu, waxaa dhici karta in howlgalka AUSSOM uu gaaro heer uu awood u yeelan waayo xattaa in dhufaysyadooda ay ka difaacan kari waayaan weerarrada Al-Shabaab.
Maadaama dhaqaalaha loo qoondeeyay 2026 uu xaddidan yahay, wax dhaqaale ahna aan la hayn wixii ka dambeeya, Midowga Afrika waxaa sidoo kale ku adkaan doonta in dalalka lacagaha bixiya uu ku qanciyo inay maalgeliyaan xattaa nooc ka awood yar oo aan sidii hore waxtar u lahayn.
Muxuu yahay qorshaha kale ee laga karkarinayo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, maxayse ka tiri, hey’adda ICG?
Sida ay ka sanqarisay ICG, waxaa jira qorshe kale oo arrintan la xiriira oo ka socda xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Qorshuhu wuxuu yahay in howlgalka loo habeeyo hannaan cusub oo goboleed, iyadoo weli uu hoos imaanayo Midowga Afrika.
Hannaankan cusub oo laga soo dheegtay qaabka hawl-gal ka jira Harada Chad, ayaa isna ah ayay tiri ICG, mid aan wax badan ka qabanayn dhibaatada saadka iyo maalgelinta AUSSOM, waxaanu inta badan mas’uuliyadda arrimahaas dib ugu celinaya dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka, taas oo ah caqabad aysan ka dabbaalan karayn.
Internation Crisis Group waxay si cad u tiri “Si kasta oo ay noqotaba, kala-guurkan oo ay la socdaan hubanti-la’aan baaxad leh, waxa uu hadda u muuqdaa mid aad u soo dhowaaday.”
Warbixintu iyadoo sii socotay, ayaa waxa kale oo ay sheegtay, in si kastoo loosoo tababaray looguna hagar-baxay maleeshiyaadka riddada, haddana sida muuqata aysan si buuxda ugu diyaarsanayn inay la wareegaan shaqada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Meelaha ay ciidamada shisheeye ka baxayaan, waa in ciidamada Soomaaliya ay isu diyaariyaan inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga.
Muqdisho ayaa horraantii Agoosto sheegtay in ay haysato 14,000 oo askari oo diyaar u ah hawlgallada milatari, kuwaas oo sidoo kale loo diri karo goobahaas si ay u noqdaan ciidamo qabta oo ilaaliya, beddelna uga noqda ciidamada Midowga Afrika ee ka baxaya.
Hase yeeshee, ciidamada Soomaaliya waxay guud ahaan ka tababar iyo qalab ahaan hooseeyaan ciidamada Midowga Afrika, taasoo ka dhigaysa in si toos ah la isugu beddelo labada ciidan arrin khatarteeda leh.
Iyadoo tusaale cad soo qaadanaysa ayay sheegtay warbixintu, in qaar ka mid ah goobihii Ciidamada Afrikaantu ay sannadihii u dambeeyay ku wareejiyeen maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ay markii dambe dib ugu dhaceen gacanta jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Maleeshiyaadka maamul-goboleedyada ayay sidoo kale warbixintu qirtay in iyaga laftarkoodu aysan awood u lahayn inay iska caabbiyaan weerarrada Al-Shabaab.
Mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika weli ma cadda ayay tiri warbixintu, iyadoo intaas ku dartay in dhanka kalena uusan shaki ku jirin in lumitaanka lacagta sannadlaha ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ku bixin jiray baahiyaha amniga riddada uu dhibaatooyin badan keeni doono.
Sida ay ICG carabowday, dalalka muhiimka ah ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya, waxaa ugu weyn danahooda ayaa ah ayay tiri amniga xuduud-beenaadyada, gaar ahaan sidii loo ilaalin lahaa aag u dhexeeya iyaga iyo Al-Shabaab.
Marka UNSOS taageeradeeda la waayo, waxaa suuragal ah sida ay sheegtay warbixintu, in Kenya iyo Itoobiya ay ciidamadooda ku soo ururiyaan meelaha u dhow xuduud-beenaadyada.
ICG iyadoo mar kale ka hadlaysa qaar ka mida xaaladaha ay duruufuhu ku qasbi doonaan ciidamada Afrikaanta ayaa waxay tiri; “Si kastaba ha ahaatee, waxay u badan tahay in laga fursan waayo in dib looga soo gurto qaar ka mid ah goobaha uu hadda Midowga Afrika gacanta ku hayo.”
Tusaale ahaan, saldhigyada Uganda ay kaga sugan tahay gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo ay adkaan doonto in la sii haysto haddii aan la helin taageerada saadka ee UNSOS. Iyadoo la filayo in Al-Shabaab ay la wareegto isla marka ay baxaan ciidamada Afrikaantu, sida ay sheegtay ICG.
Sidoo kale Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan ayaa iyaguna nugul, maadaama Al-Shabaab ay halkaas ku urursatay ayay tiri warbixintu, ciidamo badan tan iyo 2025.
“Dedaal kastoo la bxiyo, waxaa si weyn loo filayaa in xaaladahani ay Al-Shabaab ka faa’idaysanayso, kuna sii xoogaysan doonto, hawl-galladeedana ay kusii laba-jibbaarto doonto…” ayay tiri ICG.
Haddii aan wax laga qaban ayay tiri warbixintu, waxaa kordhi kara khatarta ah in Villa Soomaaliya ay dhulal badan lumiso, halka Al-Shabaab-na ay kusii xoogaysan doonto meelaha ka baxsan dhulka ballaaran ee haatan-ba ay maamulaan.