Maamulka uu hoggaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku qabtay gaadiid nooca xamuulka ah oo ay la socdeen maleeshiyo lala xiriiriyay kooxda Riddada Soomaaliya.
Taliyaha Booliiska maamulka Riddada Puntland ugu magacaaban gobolkaasi, Maxamuud Muuse (Fardafuul, ayaa xaqiijiyay qabashada gaadiidka xamuulka ah iyo ciidanka ay wadeen.
Wuxuu intaas ku daray inay gaadiidkaas sidoo kale wadeen saraakiil ka tirsan kooxda Riddada Somalia oo uu ka mid yahay madaxa tabobarrada kooxdaasi ugu magacaaban gobollada dhexe iyo maleeshiyo kale oo ilaalo ka haysay gaadiidka la qabtay.
Maleeshiyadan ayaa lasoo wariyay inay kooxda Riddadu dhowaan ka qoratay magaalada Gaalkacyo, wararkii ugu dambeeyay ayaana sheegaya in gelinkii dambe ee maanta lasii daayay maleeshiyada iyo gaadiidkii siday.
Masuul u hadlay maamulka Riddada ah ee Galmudug, ayaa shaaciyay inay maamulka Deni kala soo wareegeen gaadiid ciidamo siday oo uu ku sheegay kuwa soo dhumay.
Waxay tani qayb ka tahay khilaafka u dhaxeeya kooxda Riddada Soomaaliya iyo maamulka Ashahaada la dirirka Puntland, kuwaasoo tiro dhowr jeer ah ku dagaallamay gobollada Mudug iyo Bari, waxayna dagaalladaas natiijadoodu noqotay in kooxda Riddada maleeshiyada taabacsan laga fara-maroojiyo fariisimo iyo saldhigyo ciidan.