Dagaallada ka socda Yemen ee u dhexeeya ciidamada dowladda oo ay taageerto Sacuudiga iyo Xuutiyiinta gacan-saarka la leh Iran, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey geystay khasaare culus.
Sida ilo-wareedyo millateri oo ka kala tirsan Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen ay maanta maanta oo Talaado ah u sheegeen wakaaladda wararka AFP, labadii maalmood ee u dambeeyey waxaa dhintay ugu yaraan 154 qof.
“Tirada dhimashada ka dhalatay duqeymaha Sacuudiga, iska horimaadyada iyo madaafiicda ee ka dhacay gobollada Taciz, Al-Jawf, Ma’rib iyo Saada ayaa gaartay 118 qof,” ayuu ilo-wareed millateri oo Xuuti ah u sheegay AFP.
Dhanka kale, ilo ka tirsan dowladda Yemen ayaa iyaguna sheegay in 36 askari oo ka tirsan ciidamadoodu uu Sacuudigu taageero lagu dilay dagaallada.
Xuutiyiinta ayaa dhawaan qabsaday dhul aad u ballaaran iyo sidoo kale xeebaha Badda Cas ee Yemen, kadib markii ay qaadeen guluf milatari oo xooggan oo ay ku dhinteen boqollaal qof oo labada dhinac ah.
Waxa kale oo Xuutiyiintu ay la wareegeen gacan-ku-haynta qaar ka mid ah jasiiradaha muhiimka ah ee ku yaalla Baabul-Mandab, iyagoo haatan saamaynta ugu xooggan ku leh marinkaasi.