Ciidamada dowladda Xabshida Itoobiya iyo maleeshiyaad iyaga taabacsan ayaa dib ula wareegay gacan-ku-haynta caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, sida Reuters ay Axaddii maanta u sheegeen saddex ilo-wareed.Jabhadda TPLF oo hoggaamisa isbahaysiga mucaaradka, ayaa bayaan ay Facebook ku baahisay ku sheegtay inay ka baxday caasimadda, isla markaana maamulkii gobolka si ku-meel-gaar ah looga saaray Mekelle, iyadoo hawlaheeda ka sii wadan doonta meel kale.
Ilo ku dhow maleeshiyaadka dowladda taageera ee loo yaqaan Tigray Peace Forces ayaa sheegay in dagaalyahannadoodu ay galeen bartamaha Mekelle galabnimadii Sabtida, waxaana ku xigay oo iyaguna magaalada gudaha u galay ciidamada Itoobiya.
Ilo dhinaca waxa loogu yeero arrimaha bani’aadantinimada iyo qof ku sugan magaalada Mekelle oo ay soo xigatay Reuters oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa iyaguna xaqiijiyay in magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.
La-wareegista Mekelle ee ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan ayaa dhabar-jab weyn ku ah isbahaysiga mucaaradka ee ay hoggaamiso jabhadda TPLF, kaas oo 23-kii Sebtembar weerar ballaaran ku qaaday ciidanka Xabashida Itoobiya.
Ciidamada dowladda federaalka iyo xoogagga xulafada la ah ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarka, iyagoo gudaha u galay gobolka Tigray. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in dagaalladan oo ah xasaraddii ugu cuslayd tan iyo dagaalkii 2020–2022, ay halis u yihiin inay isu beddelaan colaad ka ballaaran oo gobolka oo dhan saameysa.
Dowladda federaalka ee Addis Ababa ayaa khamiistii xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Eritrea, iyadoo ku eedeysay inay taageerayso isbahaysiga mucaaradka, oo ay sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay taageero ka helayaan Suudaan iyo Masar.