Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ciidamada Itoobiya Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Caasimadda Gobolka Tigray.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamada Itoobiya Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Caasimadda Gobolka Tigray.

October 4, 2026
Ciidamada dowladda Xabshida Itoobiya iyo maleeshiyaad iyaga taabacsan ayaa dib ula wareegay gacan-ku-haynta caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, sida Reuters ay Axaddii maanta u sheegeen saddex ilo-wareed.
Jabhadda TPLF oo hoggaamisa isbahaysiga mucaaradka, ayaa bayaan ay Facebook ku baahisay ku sheegtay inay ka baxday caasimadda, isla markaana maamulkii gobolka si ku-meel-gaar ah looga saaray Mekelle, iyadoo hawlaheeda ka sii wadan doonta meel kale.
Ilo ku dhow maleeshiyaadka dowladda taageera ee loo yaqaan Tigray Peace Forces ayaa sheegay in dagaalyahannadoodu ay galeen bartamaha Mekelle galabnimadii Sabtida, waxaana ku xigay oo iyaguna magaalada gudaha u galay ciidamada Itoobiya.
Ilo dhinaca waxa loogu yeero arrimaha bani’aadantinimada iyo qof ku sugan magaalada Mekelle oo ay soo xigatay Reuters oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa iyaguna xaqiijiyay in magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.
La-wareegista Mekelle ee ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan ayaa dhabar-jab weyn ku ah isbahaysiga mucaaradka ee ay hoggaamiso jabhadda TPLF, kaas oo 23-kii Sebtembar weerar ballaaran ku qaaday ciidanka Xabashida Itoobiya.
Ciidamada dowladda federaalka iyo xoogagga xulafada la ah ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarka, iyagoo gudaha u galay gobolka Tigray. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in dagaalladan oo ah xasaraddii ugu cuslayd tan iyo dagaalkii 2020–2022, ay halis u yihiin inay isu beddelaan colaad ka ballaaran oo gobolka oo dhan saameysa.
Dowladda federaalka ee Addis Ababa ayaa khamiistii xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Eritrea, iyadoo ku eedeysay inay taageerayso isbahaysiga mucaaradka, oo ay sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay taageero ka helayaan Suudaan iyo Masar.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 23-04-1448-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -23-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -12-Jumaadal-aakhir-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -12-Jumaadal-aakhir-1448-Hijri.

November 22, 2026
Imaaraadka Oo Billaabay In Uu Saldhigyo Melleteri Ka Dhisto Berbera Iyo Boosaaso.
  • Allposts
  • Warar

Imaaraadka Oo Billaabay In Uu Saldhigyo Melleteri Ka Dhisto Berbera Iyo Boosaaso.

November 22, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 12-06-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 12-06-1448-Hijri.

November 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada La Wareegitaanka Mujaahidiinta Ee Deegaanka Coomaad.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada La Wareegitaanka Mujaahidiinta Ee Deegaanka Coomaad.

November 15, 2026
Daawo Sawirrada Kamiinkii Lagu Laayay Maleeshiyada Danab Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Kamiinkii Lagu Laayay Maleeshiyada Danab Ee Sh/hoose.

November 12, 2026
Kamiin Gaadiid Ciidan Lagu Qabsaday Oo Ka Dhacay Dueeldka Balidoogle (Bayaan+Sawir_sarkaal).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Kamiin Gaadiid Ciidan Lagu Qabsaday Oo Ka Dhacay Dueeldka Balidoogle (Bayaan+Sawir_sarkaal).

November 12, 2026
DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada