Ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku mireen xero ciidank Kuffaarta Yugaandha ay ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee hoostaga degmada Buulo Mareer ee wilaayada Sh/hoose, dhawaqa hubka kala duwan ee dagaalka la isku adeegsanayay ayaa laga maqlayay deegaankaasi.
Sidoo kale waxay ciidamada Mujaahidiintu weerar kan la mid ah ugu mireen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Qoryooley, waaxana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weeraradan lagu beegsaday saldhigyada ciidamada kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka murtadiinta waxay ka mid yihiin weerarada habeen dheelmadka ah ee ay Mujaahidiintu ku miraan xerooyinka saliibiyiinta iyo murtadiinta kaga suganyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato.