Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkaan waxaa barnaamijka markale marti ku ah Abwaan Negeeye Cali Khaliif oo ka mid ah abwaannada Soomaliyeed ee wilaayaadka islaaamiga ah, waxaana barnaamijka lagu faaqiday waxa uu salka ku heyo colaadda kasoo cusboonaatay dalka Itoobiya, awooddaa isbahaysiga mucaaradka ee cusub iyo inay ridi karaan xukuumadda Abiy Axmad iyo suurtalgalnimada in colaadda gudaha Itoobiya ay isu beddesho dagaal goboleed.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.