Xogo faahfaahsan oo dheeraad ah, ayaa ka soo kordhay weeraradii jid-galka iyo qarxyada ee labadii maalin ee la soo dhaafay lagu beegsanayay kolonyada maleeshiyada murtadiin ee ku socdaaleysay duleedka saldhigga Balidoogle, wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada hoose.
Macluumaadka dheeraadka ah ee la helayo waxay xaqiijinayaan in dhimashada murtadiinta ee ku gaaray weeraradaasi ay gaartay inka badan 23 waxaana ku jira 2 sarkaal.
Sidoo kale, waxaa weeraradaas barakeysan ee lagu boqna gooyay maleeshiyaadka murtadiinta ah ku dhaawacmay tobaneeyo kale, gaadiidka dagaal ee la gubayna waa shan gaari oo uu ku jiro gaari nooca miina baarka ah.
Maleeshiyaadan murtadiinta ah ee isku soo maqiiqay deegaannada Sh/hoose, ayaa Allaah fadligii si weyn loogu boqno-gooyay inta u dhaxaysa deegaaannada Leego iyo Yaaqbariweyn.