Xildhibaan Katirsan dowladda Saliibiyadda Yugaandha ayaa shaaciyay in Xasan Gurguurte uu madaxda dalka Yugaandha usheegay in haddii ciidamada shisheeye ay dalka isaga baxaan ay waqti kooban kadib ay burburi doono kooxda Riddada Soomaaliya.
Xasan Guguurte oo magaalada Kampala kulan kula qaatay xildhibaanno iyo Yuweri Musaveni ayaa si cad usheegay in ciidanka Yugaandha la’aantiis uusan madaxweyne kasiin ahaan karin Soomaaliya wuxuuna ku calaancalay in uu uusan ka maarmin ciidamada shisheeye.
Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka dowladda saliibiyadda Yugaandha ayaa warbaahinta wadankaas uga warramay sida dullinimada leh ee Xasan Gurguurte ugu baryootamay sii joogidda ciidanka Yugaandheyska ah.
“Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xildhibaanadeena baarlamaanka Uganda u sheegay inuu joogitaankiisa xaafiiska kuxiran yahay joogida ciidanka UPDF, Wuxuu kaloo caddeeyay in maalinta ay ciidamada UPDF Soomaaliya ka baxaan ay u badantahay inuusan sii ahaan doonin madaxweyne” waxaa sidaasi yiri xildhibaan Gilbert Olanya, oo ka tirsan baarlamaanka daaquudka ah ee Uganda.