Qoyskan Kenyanka ah oo kunoo tuulo lagu magacaabo Nyamondo oo ka tirsan ismaamulka Kisii, ayaa sheegay inay baadi goob ugu jiraan maydka wiilkooda oo ku dhintay colaadda u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine.
Qoyska ayaa sheegay in wiilkooda oo lagu magacaabi jiray Matiabe Onchari oo 38 jir ah, ahna aabe haysta 4 carruur ah uu deegaankiisa ka tagay isaga oo shaqo doon ah una jiheystay dhanka dalka Qadar.
Balse mar dambe ay ka war heleen in lagu biiriyay ciidanka Ruushka oo uu ka barbar dagaallamayay, tan iyo wakhtigaas na ay waayeen xiriirkiisa ugu dambeynna bishii February ee sannadkan ay heleen xog sheegaysa in uu ku dhintay dagaalka Ruushka.
Waxay sheegeen in waxa hadda qoyskan walaaca ku haya ay tahay inaysan heynin maydka wiilkooda, waxayna dowladda Kenya ka codsadeen inay soo fara-geliso arintan.
Warbixinno horay usoo baxay ayaa sheegay in dhalinyaro badan oo Kenyan ah, deegaankoodana looga qaaday arrimo shaqo lagu biiriyay ciidanka dalka Ruushka, kana mid noqdeen murtasaqada uu Ruushku ku wajahay dagaalka uu kula jiro dowladda Ukraine.