Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qarax ah oo ciidamada Mujaahidiintu shalay ka fuliyeen duleedka deegaanka Qalimow ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo la socdeen maleeshiyaadka sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya.
Qaraxyada oo gaarayay ilaa 4 qarax ah ayaa beegsaday kolonyadan murtadiinta ah oo si gaar ah uga tirsanaa maleeshiyada Ashahaada la dirirka ah ee loogu yeero Duufaan, waxaana halkaas lagu dilay ilaaa 4 murtad ah, halka lagu dhaawacay 7 kale.
Murtadiinta sirdoonka Riddada ee howlgalkan lagu dilay waxaa ka mid ahaa sarkaal Taliye Urur ah oo lagu magacaabi jiray Yoonis Cali, waxaana sidoo kale howlgalkan lagu gubay laba gaari oo nooca kuwa dagaalka ah.