Waxaa sii xumaanaya xiriirka diblumaasiyadeed oo ay Itoobiya laleedahay illaa iyo sedax dowladood oo qaarkood ay xuduud toos ah leeyihiin.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay ku dhawaaqday in ay ceyrisay diblumaasiyiin Suudaaniyiin ah oo ku eedaysan in ay ku lug lahaayeen faragelinta arrimaha gudaha dalkeeda.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa amar ku bixisay in 6 diblomaasi oo Suudaani ah ay dalka uga baxaan 48 saacadood gudahood.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha labada dal, kuwaas oo isku eedeynaya in ay taageeraan kooxaha hubeysan ee ka dagaallamaya dalalkooda.
Ergeyga Suudaan ufadhiya xarunta Q.Midoobay ayaa golaha ammaanka ku dacweeyay Itoobiya oo uu sheegay in ay halis weyn ku tahay amniga gudaha wadanka ayna taageero weyn siinayso kooxaha Janjawiidka ee loo yaqaan RSF.
Dowladda Itoobiya ayaa horay uceyrisay diblumaasiyiin Addis Ababa ku sugnaa oo ka socday dowladaha Ereteriya iyo Masar.