Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamad Itoobiya iyo maleeshiyaadka Fano ayaa maalintii lixaad ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Amxaarada, gaar ahaan dhinaca waqooyi ee Itoobiya.
Xoogagga Fano ayaa la sheegay inay la wareegeen magaalada Wuchale, oo ku taalla waddada isku xirta Dessie, Woldia iyo Mekelle.
Inkastoo warkan aan si madax-bannaan loo xaqiijin, haddana haddii la xaqiijiyo, waxay saamayn ku yeelan kartaa marinka saadka ciidamada Itoobiya ee aada gobolka Tigray.
Dhanka kale, xogtu waxay sheegaysaa in duqeymaha diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Itoobiya ay sii xoogaysteen.
Sidoo kale, TPLF ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Itoobiya khasaare xooggan lagu gaarsiiyey aagga xuduudda Eritrea, inkastoo dowladda Itoobiya aysan ka hadal sheegashaasi.
Geesta kale, koox hubeysan ayaa dishay afar qof oo beeraley ah, halka ay afduubteen qof kale, kadib weerar ka dhacay degmada Kolme ee gobolka Konso, ee dowlad-deegaanka Koonfurta Itoobiya.
Sida ay booliiska deggaanku sheegeen, weerarka ayaa ka dhacay tuulada Arba Klala, xilli beeraleydu ay ku sii jeedeen beerahooda.
Booliska ayaa sheegay in koox hubeysan oo ka koobnayd illaa 20 qof ay weerartay beeraleyda, rasaasna ku furtay, kadibna ay goobta ka baxsatay iyagoo hal qof-na horey u sii watay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda hubeysan ay tuulada ka soo gashay degmada deriska la ah ee Kolango Zuria, oo ka tirsan aagga Alle.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha beelaha ee ka jira xuduudda maamul ee u dhexeysa aagagga Konso iyo Alle.
Saraakiisha amniga ayaa xusay in weerar kan la mid ah uu degmada Kolme ka dhacay qiyaastii bil ka hor, kaas oo ay ku dhinteen sagaal qof, laguna burburiyey guryo, dugsiyo iyo xarumo caafimaad.