Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo noqday lataliye katirsan Xasan Gurguurte hadane ah xildhibaan katirsan golaha dawaaqiidda ayaa sheegay in saraakiishii hoggaaminaysay maleeshiyaadkii lagu laayay deegaanka Jameeco ay digniin ka bixiyeen halistii ay wajahayeen ka hor intii aan lagu layn jaxiimada dagaalka.
Isagoo shir jaraa’id ku qabanayay magaalada Muqdisho ayuu Xasan Gurguurte ku eedeeyay in uu halis gelinayo maleeshiyaadka kooxda islamarkana uu dabka xaabo uga dhiganayo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ka digay in maleeshiyaadka lageeyay degmada Baraawe ay wajadi doonaan mid lamida Masiirka maleeshiyaadkii deegaanka Jameeco lagu gummaaday.
Dhinaca kale xildhibaankan katirsan golaha dawaaqiidda ayaa walaac ka muujiyay insixaabka ay sameynayaan ciidamada kufaarta afrikaanta iyo quusta ay gaalada caalamka ka quusatay kooxda Riddada Soomaaliya.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli bishii lasoo dhaafay albaabada laysugu laabay xafiiskii Q.Midoobay ee kuyiillay xerada Xalane islamarkaana gaalada caalamka ay gacanta ka taageen maalgelinta ciidamada kufaarta afrikaanta.