Dowladda saliibiyadda ah ee Ingiriiska oo qeyb ka ah duullaanka Ashahaada la dirirnimo ee lagu soo qaaday Soomaaliya, ayaa warbixin digniin ah oo ay soo saartay u dirtay muwaadiniinteeda.
Digniintan cusub oo la xiriirta dhanka socdaalka, ayay xukuumadda Landhan dadkeeda kula talisay ineysan u safrin dhulalka ay muslimiintu leeyihiin balse ku hoos-jira gumeysiga Kenya iyo sidoo kale xad-beenadka udhaxeeya Kenya iyo Soomaali-galbeed, gaar ahaan agga magaalada Mooyaale.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska oo cosbooneysiisay digniintan dhanka safarka ah, ayaa si gaar ah u xustay in goobaha xayiraadaha safarka ay saameynayaan ay ka mid yihiin gobollada Gaarissa, Wajeer, Mandheera, Laamu iyo Tana River.
Warbixinta wasaaradda, ayaa ku adkeysay muwaadiniinteeda inaysan u safri karin goobaha ay soo xustay iyo xuduud-beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ku xoogeysteen weerarada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Dowladda Ingiriisku, waxay dhanka kale sheegtay in hadii muwaadiniinteedu ka dhega-adeegaan xayiraadaha safarka ee ay kusoo rogtay macquul tahay inaysan wax taageero ah u fidin doonin oo ay noqon doonto inay iyagu is furdaamiyaan marka ay xaalado la kulmaan.