Sida ay wararku tibaaxayaan, in ka badan 52 qof ayaa lagu dilay weerar hubaysan oo subaxnimadii Khamiista ka dhacay deegaanka Daleti, oo ka tirsan aagga Assosa ee gobolka Benishangul-Gumuz ee dhaca galbeedka Itoobiya.
Warbixin uu baahiyay wargeyska Borkena ayaa sheegaysa in dadka dhintay ay isugu jireen ciidamo ka tirsan kuwa booliska iyo sidoo kale maleeshiyaad taabacsan ciidanka Xabashida Itoobiya.
Sida uu sheegay Taliyaha Booliska ee gobolkan, kooxdan hubaysan ayaa waaberigii hore weerar culus oo kula jarmaadday deggaanka Daleti, waxaana jira dad rayid ah oo ku dhintay weerarkaasi.
Taliyaha ayaa kooxda weerarka geysatay ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Oromada ee magacooda loosoo gaabiyo OLA, kuwaas oo uu xusay in weerarka kadib ay goobta ka baxeen.
Deegaanka Daleti ayaa xuduud-beenaad la leh gobolka Oromada, ayaa la sheegay in lagu daabulay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan militariga Itoobiya iyo kuwa gobolka.
Urur-siyaasadeedka Oromada ee OLF, ayaa sheegay in ciidamada booliska gobolka ay weerarkaasi kadib dileen in ka badan 43 qof oo Oromo ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, iyagoo ku eedeeyay inay taageeraan garabka hubaysan ee jabhadda OLA.
Weerarkan ayaa dhanka kalena sababay in dad badan oo ka mid ah shacabka ku nool Daleti iyo deegaannada ku dhow ay ka barakacaan guryahooda.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogaysteen dagaallada culus ee u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxaha fallaagada ee ka holcaya qaybo ka mid ah gobollada Oromada, Amxaarada, Tigreega iyo weliba gobolka Canfarta.