Ciidamada Mujaahidiintu waxay saaka oo Axad ah qarax la beegsadeen kolonyo murtadiinta ah oo ka baxay saldhigga Ballidoogle kuna sii jeeday dhanka degmada Afgooye, waxaana kolanyada la beegsaday ay ahaayeen maleshiyaadka loo yaqaano MU ee sida gaarka ah u qaabilsanaa ilaalada xafiiska ciidamada Mareykanku kulahaayeen Ballidoogle.
Howlgalka oo Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayaa inta la xaqiiyay waxaa ku dhintay ugu yaraan 4 askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 askari oo kale, halka lagu gubay 2 gaari oo nooca Taw-ga ah.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Yugaandha kuleeyihiin degmada Jannaale, sidoo kale Mujaahidiintu waxay agagaarka deegaanka Cambareey ee hoostaga Buulo-mareer qarax kula beegsadeen kolanyo Kufaarta Afrikaanta ah, halkaas oo kuffaarta looga gubay gaari Taw ah.
Isla Sh/hoose, waxay ciidanka Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha magaalada Marka, kaasi oo lala eegtay fariisin ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Riddada, waxaana ku dhintay laba askari oo murtadiin ah.