Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay qaadeen weeraro kala duwan ku beegsadeen ciidamada kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka murtadiinta, waxayna howlgalladaas ka kala dhaceen Sh/hoose iyo dhulka NFD ee ku hoos-jira gumeysiga Kenya.
Weerarka koowaad oo isugu jiray qaraxyo iyo kamiin ayay ciidanka Mujaahidiintu la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan kuffaaarta Yugaandha, kuwaas oo marayay deegaanka Marin-Gubaay ee dhaca duleedka magaalada Buulo-mareer ee wilaayada Sh/hoose.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi kuffaarta looga gubay laba gaari oo midi uu Taw yahay mindna xamuul yahay, waxaa sidoo kale jira khasaare nafeed oo saliibiyiinta lagu gaarsiiyay weerarkaasi.
Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka kufaarta Kenya kaga suganyihiin deegaanka Dhaashooy ee hoostaga degmada Faafi ee ka tirsan gobolka Gaarissa ee ku hoos-jira gumeysiga Kenya, waxaana weerarkan lagu dilay ilaa laba askari oo Kenyan ah, halka lagu dhaawacay 5 kale.
Howlgalka Saddexaad waxay ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye, waxay ciidamada Mujaahidiintu howlgalkan ku khaarajiyeen murtad lagu magacaabi jiray Ismaaciil Sadiiq Cusmaan (Ciilow Yakam) oo ka tirsanaa Booliska Riddada.